Arooska qarniga ka dhacay DDSI guul iyo taariikh

Dawlada deganka somalida ethiopia
Ayaa qabtay arin ku cusub geyiga somalida guud ahaan

Xukumada uu hogaamsho madaxwayne cabdi maxamuud. Cumar ayaa ku guulaysatay inay jrbiso arin caado gumaysi dhaqan ah oo ka dhexjirtay bulshada somaliyeed guud ahaan
50 lamaane ayaa caawa oo tariikh du tahay 12 4 2018 meherkoodu kadhacayaa caasumada dawlada deganka somalida ethiopia ee magalada jigjiga

Xaflada lamaanaha oo loogu magacdaray AROOSKA QARNIGA QAYBTISA 2AAD

Lamaanayasha oo laga soo xulay beesha gabooye 5o qof oo rag iyo dumarba & 50 qof oo laga soo xulay beelaha kale ee dega deegaanka dhamaantood

Arinta waxaa fekerkeeda lahaa madaxwaynaha dawlad deeganka soomaalida ethiopia mudane CABDI MAXAMUD CUMAR oo lagu yaqaano ama looga bartay fekero la odhankaro waa feker curiyaha ugu wayn idil ahaan geyiga soomaalidu degto

50 lamaane waxaa meherkoodu kasocdaa hoolka shirarka ee SAYID MAXAMED CABDULLE XASAN ee magalada jigjiga
Lamanaaha waxaa xafladooda waxaa kasoo qayb galaya marti sharaf badan oo ugu horeeyo madaxwayne ddsi
Wafti kasocda somaliland
Wafti kasocda jabuuti
Wafti kasocda dawlada federalka ethiopia
Madax dhaqameedyo somaliyeed
Dhamaan ururada bulshada ee deganka qaybahooda ugu muhiimsan

UJEEDADA AROOSKAN LOOGU MAGACDARAY AROOSKA QARNIGA

DAWLADA DEGANKA SOMLIDA ETHIOPIA oo ladagalaamaysa fekerada cidhiidhiga ah ee dhaqan gumaysi oo takoorka ku salaysan
Kana soo horjeeda ku dhaqanka diintena suuban oo suurada quraana oranayso gabadha muslimka way guursankartaa wiilka muslimka
Taaaso xataa kabaxsan qoomiyad luuqad deegan dhaqan

Beesha gabooye ama madhibaan waa qabiilka kamida qabiilada dega geyiga soomalida
Waxaana takoor lagu hayay qarniyo badan oo tiro lahayn
Somalida ayku dhexnoolyiihiin maguursadan gabdha hooda
Meelaha qaarna waxaa kadhaca hadayba dhacdo in hadii gabadhi guursato nin. Gabooye ah inay reerkoodu dayriyo lana takooro amararka qaarkood ladilo sida la arkay

Waxyaabaha yaabkale waxaa kamida ingabadhaha soomaaliyed guursadan ajanebi afrikada madaw oo ubad uyeshaan cay iyo takoor aanay lakulmin
Qarkood waxay gursadan xabashi haysta diinta masiixiga oo aan loo arag wax sii buuran ama dhibleh halka gabooye tii raacda ay gumawday laydayrinayo

waxaa aqoon ururin la sameeyay oo shirar badan oo laysugu keenay dhaqanlayda odayaasha salaadiinta iyo aqoonyahada oo shirloogu qabtay magalada jigjiga oo uu soo abaabulay madaxwaynaha dawlada deganka somalida ethiopia
Waxa lagu lafaguray sababta keentay inla takooro dadkan somaliyed oo lagumaysto
Dood dheer fekero badan wadaagid falaqayn dheer waxaa laga sinaaday oo la isku raacay inay tshay beenfakatay oo gumaysigii shiisheeye reebay oo xiligaas diidana ilbaxnimada latartami karta
Xiligaas oo ay soo baxday niman tumaalo ah oo micneheedu ahaa inay samayeen
Qalab aanay aqoon somalida kale oo ay kamid yihiin

Kabaha
Dharka haraga
Biraha sida midiyaha .mudacyada. faashashka . Agabka weelka macuunta iyo waxyalo kale
Agabka aan soo shegnay ayaa ah kuwo qaaliya ayna adag tahay inlahelo oo keliya laga iibsan jiray gumaystaha isna uu ilashanjiray isagoo ilaalinaya ayaa ganacsigisa dacaayad iyo fadeexad madaw laga faafiyay oo ah tan ilaa maanta taagan ee lajebinayo

Qodobka kale ayaa ah in somalidu aaminsan tahay inxili aabaaro jireen oo dadka xooluhu kadhamaadeen ay cuneen bakhti oo ah sida aaaminsan yihiin somalida kale
Madaxwayneha deganka somalida ethiopia cabdi maxxamuud cumar ayaa yiri isagoo shirkii ka hadlaya hadal taariikhda galay oo aha
Hadii gaboye bakhti cunay abaarina ay jirtay waxay kadhigan tahay lawada cun oo waloo dhamaa
Waxaa xusid mudan in diintu sheegtay xiliga bakhtigu xalasha yahay inay tahay xiliga naftu taagan tahay inay gaajo disho taasina halkaas ayay ku burtay

Jebinta qufulka gumaysiga dhaqanka xun ayaa laga bilaabay DDSI oo isdhexgal buuxa unoqonaysa isdhexgal bulsho

DDSi waxaa xaflada lamaanaha dhexdeeda lagudoonsiin doona furaha 50 guri oo hads gacanta laga jaray oo dhiiri gelinaysa dhalintu inay jebiyaan raadka gumaysiga. Qarniyo kadib

Waxaa geesinimo ah iyo kudaysho mudan shacabka dawlada deganka somalida oo abuuray dhaqanki dhabtaa ahaa ee wafaaqsana diinteena iyo nasabnimada somliyed
Waxaa bogandin iyo kudayasho mudane madaxwayne cabdi maxamud cumar
Oo loo qiray feker curiyaha geyiga somalida

SHARE SII $Like
Editor mustafe timacade

Recent Posts

What’s new

Updated: April 12, 2018 — 6:04 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Guurdoon Free Online Dating © 2016 Frontier Theme