Madaxtooyada Soomaaliya oo madaafiic lagu weeraray

War Deg Deg ah:

Madaxtooyada Soomaaliya oo madaafiic lagu weeraray.

Madaxtooyada Soomaaliya oo madaafiic lagu weeraray.

Tiro Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa maanta barqadii ku soo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada, iyadoo madaafiicda qaar jugtooda laga maqlayay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Qof goobjooge ah oo ku sugnaa xaafadaha ay madaafiicda ku soo dhaceen ayaa u sheegay warbaahinta in illaa saddex madfac ay ku soo dhaceen agagaarka 15 May iyo caga-dhiig oo u dhow Madaxtooyada.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicda, iyadoo dadka deegaanka ee ku noolaa xaafada madaafiicda ku soo dhaceen argagax iyo cabsi la soo deristay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka madaafiic ee lagu qaaday Madaxtooyada, waxaana warbaahinta afkooda ku hadlay ay sheegeen in 8 madfac ku weerareen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan madaafiicda ku soo dhacay xaafado ku dhow dhow Madaxtooyada

Recent Posts

What’s new

Updated: December 23, 2017 — 12:44 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Guurdoon Free Online Dating © 2016 Frontier Theme