Raaxada ay u baahan tahay gabadha soomaaliyed

Raaxada ay u baahan tahay gabadha soomaaliyed

xoogga badnaa xilligii galmadu, waxay isu rogayaan kuwo fudud oo
saxansaxo leh aanna gaarsiisnayn heer ay mar kale kacsan karto.
Isdhexgalkii xoogga ku dhisnaa waxa uu isu beddelayaa is­habsiin jilicsan
oo keenta inay haweeneydu dareento in ninkeedu yahay gabbaadin aamin
ah oo ay dhaxanta iyo dhibaatada ka gasho.

Halkaasi kolkay arrini marayso ayay madaxeeda shafka ama garabka ka saarataa, jiif iyo
nasashana ku gunaanaddaa hawshii cuslayd ee ay qabatay intii shaqada
galmada lagu jiray.
Waxa laga yaabaa in hawshii dhammaatay ay reebtay xoogaa tamar darri
iyo daal ah, waase kuwo raaxo u leh labada qof, iyagoo xubnaha jirkoodu
ay u kala daadanayaan si gamaanyo (lulo) ku jirto.

Daqiiqadaha ugu raaxada badan laba isqaba waa kolka ay nasasho iskula dul dhacaan
hawsha galmada dabadeed, qof walibana isaga oo hurdaysan uu kan kale
bogga kaga jiro lugahana ay is dhaafsanyihiin .
Dhallinyarada qaar baa isku daya inay biyabbaxa kadib geedka kusii
hayaan haweenkooda oo aanay kala bixin, billaabana istiimin si ay mar
kale uga tuurtaan. Qaar kale kolka ay kala baxaan bay misna daqiiqado
kadib istiimin iyo dhuuqmo billaabaan si ay u gaaraan isla hadafkaasi.
Haddaba caafimaadku waxa uu ku jiraa, diinteenna Islaamkuna qabtaa in
galmada hore kadib geedka ninka biyo kulul lagu mayro, welibana hadday
suurtagal tahay la qubaysto ama ugu yaraan la weyseysto, si firfircoonaan
iyo looga helo dardar hor leh, markaa kadibna haddii la isku afgarto
garoonka la iskula laabto. Waase in biyabbaxa labaadna lagu soo af­jaraa
isla gunaanadkii aynu soo sheegnay.

Recent Posts

What’s new

Updated: January 27, 2017 — 7:01 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Guurdoon Free Online Dating © 2016 Frontier Theme