Saaxiibkayga oo qaraxa ku dhintay markaan kala tagnay

Murugo aan la qiyaasi karin …….

Shalay duhuradii meelahaas ayeey aheyd aniga iyo sxbkeeyga marne walaalkeeyga isku keen dambeeysay asagoo rabey in aan uraaco meel lkn aniga oo xoogaa mashquulsanaa ka yara cuslaaday in aan raaco markaas ayuu igu dhahay wayahay sxb lkn cawada meeshii in aan isku raacno ayaa jirto kaftan dheer kadib ayuu asagoo aad ufarxasan ayuu igaga tagay hotel X kadib ayuu iisheegay in uu aadi doono blue sky airline oo ku taalo inta udhaxeeysa zoope iyo banaadir
Kama aysan soo wareeginin 30 daqiiqo qarax culusbaa dhagihi iga aamusiyay cuntadii aan waqtigaa cunaayayne isu badashay mid wasaqeeysan ileen boor badan baa igu soo daatay waxaan umaleeynaayay in meesha aan joogaybo ay wax ka dheceen lkn marka dambe la iixaqiijiyay in ay xoogaa iga yara fogtahay

Isla markiiba niyadeyda waxaa kusoo dhacay sxbkeeyga ileen meesha qaruxu ka dhacay ayaan ku ogaa in uu aadayeee telkii baan soo qabsaday waxaana rabay in aan walalkeyga Omar Osman xaal wareeysto lkn nasiib xumo telkii ma uusan iigalin
Walwalkii baa igu zaaiday wax aan sameeyo ayaan garan waayay goobtiisa shaqadaan weeydiiyay waxeeyna iisheegeen in meeshii aan ku ogaa weli jiray telkiisane uusan hawada galeyn

Wax aan sameeyo ayaan garan waayay xaaladii goobta wax ka dhacayne aad beey ucusleeyd isla markii isbitaaladii ayaan u cararay si aan sxbkeeyga xaladiisa u ogaado isbitaal aanan tagin majirto dhawacyadii mid mid ubooqday asagiina waan ka waayay

Waxaan usii ruqansaday dhinacii ay musiibada ka dhacday ma aheeyn meel qalbi naxariis leh fiirin karay waxa meeshaa ka dhacay aad baan uga ilmeeyay walaalihii meeydkoodu laamiga daadsanaa
Lug walibo aan qaado waxaan ku istaagaayay calool wadada taalo ama maskax daadatay amaba dhiiga walaalaheeyga ileen meel waliboo aad martaa waxbaa yaalay oo katirsanaa jirarka walalihii mashaqadu ku dhacday

Ma aheyn meydadka daadsanaa wadada mid la fiirin karo ileen dadkii dhamaa weey wada gubteen nin iyo naagne weey adkeeyd in la kala saaro ama shaqsiga meyd ka maqanyahay ku adkeeyd in uu kala bixiyo rag iyo dumar ileen dadkii dhan weey wada gubteen

Waxaan ku qasbanaaday in sxbkeeyga hadii uu ku jiro dadkii gubtay aan fiiriyo anigoo meydadkii mid mid u dul istaagay weeyna igu adkaatay in aan qof ka aqoonsado

Walwalkii baa zaaid noqday ilimada indhaheeygane xad dhaaf beey aheyd

Sida nin waalan ookale baan marba dhinac u ordaayay lkn ima aysan suura galin in aan sxbkeeyga dhaawac ama dhimasho ku helo shalay ilaa hadeerna raadintiisa ku jiray

Cumar hadaad dhimatayne rabi ayan naxariistii jano kaaga baryaayaa wlhi weli kaama quursanin waxaan sugaayaa balantii aan laheeyn ee aheyd in aan meel isku raacno

Raadintii anigo ku guda jiro ayaa waxaan arkay gabar da’deedu aan ku qiyaasay 17 jir aan umaleeyay in ay iskuul ka timid in ay kala go’day kaliya qaarka dambe ka nooshahay towxiidkane afkeeda ku heeysato

Ilaahayoow adaa caadil ah yarabiiiiiiiiiiiiii

Recent Posts

What’s new

Updated: October 15, 2017 — 7:20 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Guurdoon Free Online Dating © 2016 Frontier Theme